HORDHAC
Dunida ganacsiga iyo maaliydda, xogta saxda ah aya ah asaaska go’aanada wanaagsan. qof Ganacsi Leh, Maalgashade, Bangi, Shirkad Ama qof doonaya Innu Fahmo Xaaladdiisa Dhaqaale, wuxuu u baahan yahay innu si cad u ogaado halka uu lacagtiisu ka timid, halka ay ku baxday iyo waxa uu leeyahay ama lagu leeyahay.
Halkaas ayay muhiimadda financial statements, af-Soomsali ahaan loo yaqaan warbixinta maaliyadeed, ka bilaabata.
Financial statements waa documents Ama Warbixin Muujinaysa Xaaladdaha Dhaqaale Ee Shirkad, Ganacsi ama hay’ad muddo cayiman. waxey bixisaa xog muhiim ah oo ku sabsan dakhliga, kharshaadka,Faa’iidada, hantida, deyamaha iyo lacagta cadaanka ah ee ganacsigu haysto.
Ganacsi kasta, xitaa haddii uu yahay mid yar, wuxuu u bahan yahay innu haayo diwaan maaliyadeed oo wanaagsan.
Haddi ganacsade usaan garanyn inta u kasbaday, inta u kharash gareeyay iyo fa’idaada dhabta ah e u soo hartay, way adkaanaysa innu si sax ah u qorsheeyo mustaqbalkiisa
maqaalkaan waxaan si qoto dheer ugu sharxi doona:
- Waa maxay financial statements?
- maxey muhiim u tahay?
- Noocyada ugu waaweyn ee financial statements
- Sida loo akhriyo warbixinta maaliyadeed
- Farqiga u dhexeeya revenue, profit iyo cash flow
- Sida malagashadayashu u isticmaaaan financial statements
- Khaldadka laga fogado
- Sida ganacsi yar u diyarsan karo warbixin maaliyadeed
Waa Maxay Financial Statements?

financial statement waa warbixin rasmi ah oo soo koobayasa xaaladda maaliyadeed iyo waxqabadka dhaqale e ganacsi, Shirkad Ama Hay’Ad Muddo cayiman.
Warbixintani waxay ka jawaabta su’alo muhiim ah sida:
- Ganacsigu Imisa Ayu Kasbaday?
- Imisa ayuu qarash gareeyay?
- Fa’iido intee la’eg ayuu sameyay?
- Hanti intee la’eg ayuu leyhay?
- Deyn intee la’eg aya lagu leyhay?
- Lacag caddan ah intee la’eg aya gacanta ku jirta?
- Ganacsigu ma leeyahay awood oo u ku bixiyo deymaha?
Financial Statements Ma Ah Oo Keliya warqad ay Isticmalaan xisaabiyayaasha Waa qalab muhiim ah u qof kasta oo ganacsi ama maalgashi ku jira u u baahan yahay innu fahmo. Tusaale aahan, haddi aad leedahay dukaan, waxaad u baahan tahay inaad ogato:
- Dakhliga iibka
- qiimaha Alaabta aad soo Iibsatay
- Kharashk Kirada
- Mushaarka Shaqaalaha
- Gaadiidka
- Korontada iyo adeegyada kale
- Faa’iidad kuu hartay
Dhammaan xogtaan waxaa lagu soo uruurin karaa financial statement.
maxey financial statement muhiim u tahay?
1.waxey muujinaysaa xaaladdaha dhabta ah e ganacsiga
Mararka qaarkood ganacsade wuxuu arkaa lacag badan oo soo gashay, wuxuna u malayn karaa innu fa’ido badan sameeyey. laakin lacagta soo gashay oo keliya ma mujinayso fa’iidadada dhabta ah. Ganacsigu wuxuu yeelan kara dakhli badan, laakin haddi kharashadku ka badan yihin dakhliga, ganacsigu wuxuu noqon donaa mid khasaaraya. financial statements waxey kaa caawinaysaa inaad gaarto sawirka dhabta ah.

- waxey tageerta Go’an qaadashada
Go’an kasta oo ganacsi wuxuu u baahan yahay xog.
Tusale Ahaan, Haddi Aad Rabto Inaad:
- Furato laan cusub
- Iibsto qalab cusub
- Shaqaale dheraad Ah qorto
- Deyn qaadato
- Malagashi sameyso
waxaad u baahan tahay inad marka hore ogato xaldda dhaqaale e ganacsigaaga. FINANCIAL STATEMENTS Aya kuu sheegi karta haddi ganacsigaagu awood u leyhay go’aankaas.
- Waxay caawisaa maalgashadayaasha
Malgshadayashu ma geliyaan lacag shirkad iyaga u aan marka hore hubin xalddeda dhaqaale.
waxee egaan
- Dakhliga Shirkadda
- Faa’iidada
- Deymaha
- Hantida
- Cash flow
- Kobaca shirkadda
Haddi shirkaddu leedahay financial statements wanaagsan, waxay kordhin kartaa calsoonida maalgashadayaasha.
4.waxey muhiim u tahay bangiyada iyo amah-bixiyeyasha
Haddi Shirkad Ama Ganacsi uu Doonayo Innu Bangi Ka qaato Amaah, Bingu wuxu raba innu ogado awooda ganacsiga ee bixinta amaahda.
Bangigu wuxuu eegayaa
- Dakhliga
- Faa’iidada
- Deymaha
- Hantida
- Lacagta caddanaka Ah
- Financial statements ayaa bixinaysa xogtan.
Noocyada Ugu Waaweyn ee Financial Statements
waxaa jira afar nooc financial statements oo kala ah
- Income Statement
- balance Statement
- Cash flow statement
- Statement of changes in equity
An mid kasta si faahfaahsan u eegno.
- Income Statement
Income statement waxaa sidoo kale loo yaqaan profit and loss statement, waxaana Af-Soomaali ahaan lagu magacabaa Warbixinta Dakhliga Iyo Khasaaraha.
Warbixintaani waxey Muujineysa:
- Dakhliga
- Kharashaadka
- Fa’iidada
- Khasaaraha
- muddo cayiman Gudaheed.
muddadu waxey Noqon kartaa
- hal Bill
- Saddex Bilod
- Lix Bilood
- Hal Sano
Tusale: Ganacsi Ayaa helay
- Dakhliga Iibka: $10,000
- Kharshadka: $7,000
- Fa’iidadah
$10,000 – $7,000 = $3,000
Markaa faa’iidada saafiga ah waa $3,000
Revenue
Revenue wa lacagta gancasigu ka hello iibinta alaabta ama adeeg.
Tusale Ahan:
hadii shirkad iibiso alaab qiimaheedu yahay $50,000, revenue keeda $50,000
Laakiin revenue ma ah profit.
Expenses
Expenses waa kharashadaka ganacsiga.
waxey ka mid noqon karaan: .
- Kirada
- Mushaarka
- Korontada
- Internet-ka
- Gaadiidka
- suuq-geynta
- qalabka
- canshuraha
Gross profit
Gross profit waxaa lagu helaa marka laga jaro cost of goods sold dakhliga.
Formula:
Gross Profit = Revenue – Cost of Goods Sold
Tusaale:
Revenue: $20,000
Qiimaha alaabta: $12,000
Gross Profit = $8,000.
Net profit
Net Profit waa fa’iidada Ugu dambeysa marka dhamman kharashadka laga jaro dakhliga.
Formula:
Net Profit = Total Revenue – Total Expenses
hadii:
Revenues = $50,000
Cost = $35,000
Net profit = $15,000.
- Balance Sheet
Balance sheet waa warbixin muujinaysa xaaladda dhaqaale ee ganacsi maalin ama wakti gaar ah.
waxey ka koban Tahay Saddex qeybood
- Assets
- Liabilities
- Equity
Formula-da ugu caansan waa:
Assets = Liabilities + Equity
Waa Maxay Assets?
Assets waa wax kasta oo ganacsi leeyahay oo leh qiime dhaqaale.
Tusaalooyin:
- Lacag caddan ah
- Lacag Bangi Ku Jirta
- Dhismo
- Baabuur
- Qalab
- Alaab keyd ah
- Maalgashi
- Lacag laga sugaayo macaamiisha
Assets waxaa loo qaybin kara laba qaybood
current assets
Kuwani waa hantida ku beddeli karo lacag muddo gaaban gudaheed.
Tusaalooyin:
- Cash
- Bank balance
- Inventory
- Accounts Receivable
- Non-current assets
- Kuwani waa hanti mudo dheer la isticmaalo.
Tusaloyin:
- Dhismo
- dhul
- baabuur
- Mashiinno
- qalab
waa maxay liabilities?

waa deymaha ama waajibadka dhaqaale ee ganacsiga laga leeyahay.
Tusaloyin:
- Amaah Bangi
- Lacag Lagu Leyahay Alaab-qeybiyeyaal
- deyn shaqaale
- canshuur la bixinayo
Liabilities waxaa loo qeybin karaa:
Current liabilities
Deymaha La Bixinayo muddo gaaban.
long-term liabilities
Deymaha la bixinyo muddo dheer.
Waa Maxay Equity?
Equity waa qiimaha ay leeyihiin milkilayasha ganacsiga kadib marka deyamaha laga jaro hantida.
Formula:
Equity = Assets – Liabilities
Tusale:
Assets = $100,000
Payables = $40,000
Equity = $60,000.
- Cash flow statement
Cash Flow Statement waa Warbixin Muujinaysa Sida Lacagta caddanka Ahi U Soo Gashay Ugana Baxday Ganaciga.
waxaa jira Saddex qeybood:
- Operating activities
- investment activities
- financing activities
Operating cash flow
Tani waa lacagta ka dhalata howlaha caadiga ah ee ganacsiga
Tusaale:
- Iibka alaabta
- Lacagta Laga Hello macamiisha
- Musharka
- Kirada
- Kharshadka howlgalka
Investment: Cash flow
Tani waxey La xariirtaa Ibasashada Ama iIbinta Hanti.
Tusaale:
- Ibsashada Baabuur
- Ibsashada qalab
- Ibinta dhisme
- Malagashi cusub
financing cash flow
Tani waxey la xirirta lacagta laga hello ama loo isticmaalo maalgelinta ganacsiga.
Tusaale:
- Amaah cusub
- Bixinta Amaahda
- Lacag u milkiile geliyo ganacsiga
- Dividends la Bixiyo
Maxaa Farqi U Dhexeeya Revenue, Profit iyo Cash Flow?
dad badan ayaa isku qalda saddexdaan eray
Revenue
Wa Lacagta Ganacsigu kasbado kahor inta aan kharashadka laga jarin.
Profit
Waa lacagta soo hartay kadib marka kharashadka laga jaro.
Cash flow
Waa dhaqdhaqaaqa lacagta caddanka ah ee soo galaysa ama ka baxaysa ganasiga. Ganacsi wuxuu yeelan revenue badan laakiin cash flow yar. Tusaale Ahan, Shirkad Aya iibisay Alaab qiimaheedu Yahay $100,000, laakin macmiishu wali ma bixin lacagta. Shirkaddu Waxay Leedahay Revenue, laakin Lacag caddan ah oo gacanta ku Jirta ma hayso.
taasi waa sabbata cash flow oo muhiim u yahay.
Sida loo Akhrio Financial Statements
Tallabada 1: Eag Revenue
Mark Hore Egg Dakhliga Shirkadda.
Is weydih.
- Revenue Ma kordhay?
- Misse hoos ayuu u dhacay?
- kobaca dakhliga majoogto yahay?
Revenue si kordhya wuxu noqon karaa calaamad wanagasan, laakin waa in sidoo kale la eegaa fa’iidada.
Tallabada 2: Eag Expenses
Kharshaadka waa in si taxadar leh loo baro.
Haddii Revenue kordho, laakiin Expenses ay si ka dhaqso badan u kordhaan, faa’iidada way yaraan kartaa.
Tallabada 3: Eag net profit
Net Profit wuxuu kuu sheegayaa lacagta dhabta ah e ganacsiga u hartay.
Ganachasi fa’iido leh wuxu badanaa leeyahay:
- Revenue Wanaagsan
- Expenses La xakameeyay
- not profit joogto ah
Tallabada 4: Egg Deymaha
Deyan badan waxay keeni karta khatar dhaqaale.
Waa Muhiim in La Ogaado:
- Deyanta guud
- heerka dulsaarka
- wakhtiga Bixinta
- awooda Shirkadda e Bixinta Deynta
Tallabada 5: Eag cash flow
Shirkaddu waxey noqon karta mid fa’ido leh laakin lacag caddan ah oo yar haysata.
Sidas darted, cash flow waa in si gaara ah loo qiimeeyaa.
Financial ratio iyo Sida Loo Isticmaalo

Financial ratio waa cabbirro loo isticmaalo in lagu falanqeeyo xaaladda maaliyadeed ee shirkad.
- profit margin
- Formula:
- Profit margin = net profit ÷ revenue × per cent
hadii:
Net profit = $10,000
Revenues = $50,000
Profit margin = 20%.
Current Ratio
Current Ratio wuxuu cabbiraa awoodda shirkaddu u leedahay inay bixiso deymaha gaaban.
Formula:
Current Ratio = Current Assets ÷ Current Liabilities
Ratio wuxuu badna muujin karaa awood dhaqaale oo wanagasan.
debt-to-equity ratio
Ratio-kan wuxuu cabbira xiriirka ka dhaxeeya deynta iyo hantida milkilayaasha.
Deyn aad u badan waxey kordhin karta khatarta shirkadda.
Return on assets
ROA wuxuu cabbiraa sida shirkaddu uga fa’idayasato hantideeda.
Formula:
ROA = Net Profit ÷ Total Assets
maxey Financial Statements muhiim Ugu Yihin Malagashadayasha?
Malgashaduhu wa innu fahmo shirkadda ka hor inta usan lacag gelin. financial statements waxey ka caawinayaan inuu ogaado
- Shirkaddu ma fa’ido ayey leedahay?
- Dakhligidu ma korayaa ?
- Deyanteedu ma badan tahay?
- Cash Flow-Gu Ma Wanagasan Yahay?
- Shirkaddu ma leedahay mustakhbal kobac?
Malgashadayasha xirfadlayaasha ahi ma egaan u keliya qiimaha saamiga. waxay eegaan xaldda dhabta ah ee shirkadda.
Financial Statements iyo ganacsiyada yaryar
Ganacsiyada yaryar marrka qaarkood waxay u malaynayaan in Financial Statement ay Kaliya u baahan yihiin shirkadaha waaweyn.
taasi waa Khalad.
Ganacsi yar wuxuu u baahan yahay innu ogado:
- Lacggta soo Gasha
- Lacagta baxda
- Fa’iidada
- deynta
- Hantida
- Kharshadka
Xitaa haddi ad leedahay dukaan Yar, adeeg on-line ah ama ganacsi e-commerce ah, diwaan maaliyadeed aya muhim kuu ah.
khaladaadka laga sameeyo financial statements
1.in la Isku daro lacagta shakhsiga iyo tan ganacsiga
Milkile Ganacsi waa Innu Kala Sara:
- Personal wealth
- Business Money
Haddi la Isku daro, wey adkanaysa in la ogado fa’iidada dhabta ah.
- in aan la qorin Kharashaadka Yaryar
kharash yar oo badan wuxuu isku beddeli karaa lacag weyn. Sidas darted waa muhiim in la diwaan galiyo dhamman kharashaadka.
3.In la isku khaldo revenue iyo profit
revenue maahann profit
Ganacsi wuxuu iibin kara $100,000, laakiin haddi kharashkiisu yahay $95,000, faa’iidadu wa $5,000 oo keliya.
- In la iska indho tiro cash flow
Cash Flow L’an waxey keeni karta dhibato xitaa haddi shirkaddu warqad ahaan fa’ido leedahay. - In xogta la been Abuuro
Financial statements waa iney ku salaysnataa xog dhab ah.
Xog Khaldan waxey Keeni Kartaa:
- Go’an Khaldan
- Deyan Ann la Bixin Karin
- Dhibato Sharci
- Luminta Kalsoonida Maalgashadayasha
Sidee Loo Diyariyaa Financial statements?
Si loo diyaariyo financial statements waa
Tallabad 1: Diwaangeli Dhamman transactions-ka
Qor:
- Iibka
- Kharshadka
- Lacagta La helay
- Lacagta La Bixiyay
Tallabad 2: kala saar Dakhliga Iyo Kharashadka
Ha isku darin dhamman lacagaha.
Tallabada 3: sameey Income Statement
Xisabi:
- Revenue
- Expenses
- Profit
Tallabada 4 Sameey Balance Sheet
Qor:
- Assets
- Liabilities
- Equity
Tallabada 5: Sami cash flow statement
La soco lacagta kusoo gasha iyo tan baxda.
Tallabada 6: Falanqeey Natijoyinka
Ha ku ekaan qorista warbixinta. Fahan waxa ay xogtu kuuu sheegeyso.
Financial statements iyo Go’an Qaadashada Maaliyadeed
Warbixinta maaliyadeed waxay kaa caawin kartaa inaad gaarto go’aano wanaagsan.
Tusaale ahaan, haddii Financial Statement-ku muujiyo in:
- Kharashka uu aad u sarreeyo
- Faa’iidada hoos u dhacayso
- Deyntu kordhayso
Waxaad qaadi kartaa tallaabooyin sida:
- Khaarshaadka Dhimishta
- qiimha alaabta dib u eegista
- Deynta Yaryanta
- Dakhaliga cusub raadintiisa
Sidaas darteed, financial statements ma aha keliya warbixin taariikhi ah; waa qalab lagu qorsheyo mustakhbalka.

Waa Maxay Farqiga u Dhexeeya Financial Statement iyo Financial Report?
Labadan eray mararka qaarkood waa la isku isticmaalaa, laakiin waxay leeyihiin farqi.
Financial Statement waa warbixin rasmi ah oo ka kooban:
- Income Statement
- Balance Sheet
- Cash Flow Statement
- Equity Statement
Financial Report waa eray ka ballaaran oo ay ku jiri karaan:
- Financial Statements
- Management Discussion
- Business Analysis
- Annual Report
- Sharaxaad dheeraad ah
Talooyin Lagu Horumarinayo Maamulka Maaliyadeed
Si aad u yeelato Financial Statements wanaagsan:
- Diiwaangeli transactions-ka maalin kasta
- Isticmaal accounting software haddii aad awooddo
- Kala saar lacagta ganacsiga iyo tan shakhsiga
- Samee warbixin bil kasta
- Dib u eeg kharashaadka
- La soco deymaha
- Samee budget
- La soco Cash Flow
- Isticmaal xogta si aad go’aan u gaarto
GUNAANAD

Financial statements Wa mid ka mid ah qalabka ugu muhimsan e ganacsi, shirkad ama maalgshade u bahan yahay.
waxay bixisaa warbixin cad Oo Ku Sabsan Xaldda Dhaqaale, Dakhliga, Kharashadka, Fa’idada,
Hantida, deyamaha iyo lacagta caddaanka ah.
Saddexda financial statement ee ugu muhiimsan waa:
Income Statement – waxey Muujisa Dakhliga, Kharashadka Iyo Fa’idada.
Balance sheet – waxay muujisaa assets, liabilities iyo equity.
Cash Flow Statement – ​​waxay muujisaa lacagta soo gasha iyo tan ka boxda ganchasiga. qof kasta oo dooniya innu ganacsi dhiso, maalgashi sameyo ama fahmo maliyada waa inuu bartaa sida loo akhriyo financial statements.
