Waamaxay Emergency Fund ?

Waamaxay Emergency Fund ?

Noloshu mar walba ma u socoto sida aan u qorsheeno. Mararka qaar waxaa dhici kara xaalado lama filaan ah sida shaqo lumis, xanuun degdeg ah, dayactirka gaari ama guriga, ama qarashyo ​​kale oo aan hore loo filayan. Xaaladahaas Oo kale waxay qofka gelin karaan culays dhaqaale haddi uusan haysan lacag kayd ah oo uu ku tirsanado.

Halkas ayeey muhimadda emergency fund-ka ka bilaabataa. Emergency Fund ama kaydka degdega ahi waa lacag sigaar ahi lagu talagalay xaaladaha degdega ah ee lama filaanlka ah. Waa mid ka mid ah tiirarka ugu muhimsan ee lagu dhiso mustaqbal dhaqaale oo xasiloon.

Dad badan ayaa ku qasbanaada iney amaah qataan ama isticmalaan kaararka daynta marka ay lakulmaan xalado degdeg ah Taas badalkeeda , qofka leh emergency fund wuxuu awood u leeyahay innu si deggan uga gudbo xaaladaha adag isaga oo aan gelin deymo cusub.

maqaalkaan waxaan ku baran donaa waxa uu yahay emergency fund, sababta uu muhiim u yahay, sida loo sameeyo iyo talaabooyin kaa caawinaya inaad si guul leh u dhisato kayd degdeg ah

Waamaxay emergency fund f?

emergency fund waa lacag kayd oo loo qoondeeyey xaaladaha degdega ah ee aan la qorshayn. Lacagtaan looma isticmaalo safaro, madalo, ama wax iibsi aan muhiin ahayan.

waxa keliya ee lugu talagalay Waa:

  • Xalado caafimad oo degdeg ah.
  • Shaqo Lumis.
  • Dayactirka gaari am guriga.
  • qarashyada qoyska ee Lama Filanka Ah.
  • Dhibatoyin dhaqaale oo degdeg ah.

Emergency Fund wuxuu ku shaqeeyaa sida gaashan dhaqale oo kaa ilaaliya qataraha lama filaanka ah.

Maxay Muhiim U Tahay Inaad Yeelato Emergency Fund?

1. waxay kaa ilaalisaa Deyamaha

Marka ay dhibato degdeg ahi dhachdo, dad badan waxay ku qasbanadaan iney amaah qataan. Haddi aad leedahay kayd degdeg ah, uma baahnid inad gasho deymo cusub. Tani waxay ka caawisaa inaa ilaaliso caafimadkaga dhaqale iyo sumcadaada maaliyadeed.

2. waxay ku siisaa xasilooni maskaxeed

marka ogathay Inaad haysato lacag degdeg ah, waxaa daremaysaa xasilooni iyo deganaasho. Xitaa haddi xaalad adag timaado, waxaad ogtahay inaad leedahay meel aad ka bilaabi karto xalinta dhibaatada.

3 waxay kuu sahlaysaa go’an qaadasho

qofka aan lahyan kayd degdeg ah wuxuu mararka qaar sameeyaa go’ano degdeg ah oo qaldan

  • Tusaale ahaan
  • Amaah qaadasho aan loo baahnayn.
  • iibinta hanti qiimo leh.
  • joojinta qorshayaal muhiim ah

Emergency fund wuxuu kuu ogolaanayaa inaad si caqli leh u fikirto.

4 waxay kaa caawisaa inad ilaaliso yoolkaada dhaqaale

Haddi aadan haysan kayd degdeg Ah, waxaa Laga Yaaba Inaad isticmaasho lacag maalgashi ama kaydka mustaqbalka. kaydka degdega ahi wuxuu ilaaliyaa qorshayashada dhaqaale e mudda dheeer.

Immisa lacag ah ayay tahay inad kaydasato?

Khubarad dhakalaha badankudu waxay ku taliyaan qofka inuu kaydasado lacag u dhiganta:

  • 3 bilood oo qarashaadkiisa ah (ugu yaran).
  • 6 bilood oo qarashaadkiisa ah (heer wanagasan).
  • 2 bilood Haddi daqligaagu aanu Jogto ahayan.

Tusale Ahan:

Haddi qarashadkaga bishi yihin $500: •

  • 3 bilood = $1,500
  • 6 bilood= $3,000

Ma aha inaad hal mar wada kaydasto lacagtas. waxaa si tartib ah u ururin kartaa mudo dheer.

Sida Loo Bilaabo Emergency Fund

Tallabada 1: Go’ami Hadafkaaga

Marka hore go’anso inta lacag ah ee aad rabto inaad kaydsato.

Tusaale: “Hadafkegu wa inaa kaydsato $2,000 oo emergency fund ah.” hadafka cad ayaa kuu fududayna inad diradda sarto.

Tallabada 2: Samee miisaaniyad

  • Qor daqligaaga iyo qarashaadkaada
  • raadi meelaha aad ka dhimi karto qarashaadka aan muhiimka ahayan Sida:
  • cunooyinka dibada.
  • Iibsashada aan loo baahnayn
  • adeegyada aadan isticmaalin.

lacagtaas u wareji kaydkaaga degdega ah.

Tallabada 3aad: Bilow lacag Yar

dad badan waxay dib u dhigaan kaydinta saabtoo ah waxay u maleynayan iney u baahan yihin lacag badan.

run ahanti waxaa ku bilaabi kartaa:

  • $5 todobaadkii.
  • $10 todobaadkii.
  • $20 Bishii.

waxaa ugu muhiimsan waa joogtaynta.

Tallabada 4: akoon gaar ah

waxaa fiican inaad kaydkaga degdega ah ku hayso meel gaar ah. tani waxay kaa caawinaysaa:

  • Inan si fudud u isticmaalin.
  • inuu si amaan ah u jiro.
  • Inaad si sahlan ula socoto kobaciisa.

Halkee laga helaa Emergency Fund?

Kaydka degdegga ahi wa innu ahadaa meel si degdeg ah loogu heli karo. Doorashiyanka wanaagsan waxaa ka mid ah:

  • Akoon bangi.
  • Akoon kayd gaar ah.
  • Mobile money account gaar ah.

Ka fogow inad ku xirto maalgashi qatar badan leh sababtoo ah waaxad u bahan kartaa lacagataada waqti kast.

Khaladadka Ugu waawayn ee laga galo Emergency Fund

1. In loo adeegsado waxyaabo aan degdeg ahayn

qaar bodan waxay isticmaalan lacagta kaydka si ay ugu baxaan

  • Safaro.
  • taleefano cusub.
  • Dharka iyo madadaalada.

Tani waxay burburisaa ujeedadii Kaydka.

2. inaan dib loo buuxin

Haddi aad isticmaasho qayb ka mid ah emergency fund-kaga, waa inaad dib u buuxisaa sida ugu dhaqsaha badan.

3. Sugitanka daqliga sare

dad badan waxey yiraahdaan: “Markan lacag badan helo ayan bilaabi doonaa kaydinta. laakin qofka guulaysta wuxuu bilabaa maanta, xita haddi lacagtu yar tahay.

4 Inaan la yeelan hadaf cad

Haddi aadan lahyn yool cayiman, wey adkanaysaa Inaad sii wado kaydinta.

Sidee Emergency Fund uga caawiya xoriya dhaqaale

xoriyada dhaqaale maaha oo kaliya inaad haysto lacag badan. waxayay sidoo kale tahay inaad la tacaasho xaaladahaada adag adigoon walwal badan gelin.

Emergency fund wuxuu:

  • Yareyaa cadaadiska dhaqaale.
  • kahortagaa deymo badan.
  • kordhiyaa Kalsoonidaada.
  • ku sii haayaa jidka guusha dhaqaale

sababtaas aawgeed dadka dhaqaalaha ku gulaysta badankood waxey mudnaanta siiyaan dhismaha kayd degdeg ah.

Gunanaad

Emergency fund wa mid ka mid ah aaladaha ugu muhimsan ee lagu dhiso mustaqbal dhaqaale oo xasiloon. Wa Lacag gaar ah oo loogu talagalay xaaladaha lama filaanka ah sida shaqo lumis, xanuun, ama qarashyo degdeg ah.

qof kasta, ha noqodo Shaqaale, Ganacsade, ama Freelancer, Wuxuuu u baahan yahay innu yesho kayd degdeg ah. Uma bahnid inad bilowdo Lacag badan; waxaa muhiimka ahi waa inaad bilowdo maanta oo aad si joogto ah u kaydsato.

Markad dhisto emergency fund adag, waxaad heli doonta xasilooni makaxed, amni dhaqaale, iyo awood aad kaga gudubato caqabadaha nolosha adigoon ku tirsanaan deymo ama gar gaar degdeg ah.

Comments

No comments yet. Why don’t you start the discussion?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *