HORDHAC
Maanta dunida casriga ah, adeegyada maaliyada waxey noqdeen qayb muhiim ah oo ka mid ah nolosha dadka iyo gancsiyada.
Haddi aad rabto inad kasbato amaah, hesho kaarka deyanta (credit card), ibstid guri, ama xita kiraysato guri dalal badan, waxa suragal ah in laga hubiyo credit score-kaga.
Tiradan yar waxey saameyn weyn ku yeelan karta fursdahaga dhaqaale iyo heerka kalsoonida aay hay’daha maliyadeed kuu qabaan.
Dad badan ayaa maqla erayga Credit Score, Balse ma fahamsana waxa u yahay, Sida loo xisabiyo, Ama sida loo hagajin karo.
Tasi waxey sabataa in dad badan ay lumiyaan fursado wanagasan oo dhinacha amaahda, maalgelint, iyo adeegyada bangiyada ah.
Maqaaqkaan waxad ku baran doonta wax kasta oo muhiim ah u ku saabsan credit score, laga bilabo micnihiisa ila sida loo kordhiyo.
waxa kale oo aad ogaan doonta khaladadka ugu badan ee dadka hoos u dhiga dhibchaha credit score-kooda iyo talooyin wax ku ool ah oo kaa caawin kara inad dhisto tarikh maliyadeed oo wanagsan.
Waa Maxay credit score?

Credit score wa dhibco tiro ahaan lagu cabbiro kalsoonida maliyadeed. Dhibcahaan waxey mujinayaan
sida ay u badan tahay inad dib u bixin doonto lacag amaah ahaan lagu siiyo.
Bangiyada, Shirkadaha Amahda, Iyo Hay’adaha Maliyadeed Waxay Isticmalaan Credit Score sida ay u
wiimeyaan HALISTA ay la Kulmi karaan Marka Ay Lacag Ku amaahiyaan
Guud Ahan, credit score wuxuu u dhexeeyaa:
- 300–579 – Aad u Lita (poor)
- 580–669 – dhexdhexaad (fair)
- 670–739 – Wanagason (excellent)
- 740–799 – Aad u Wanagasan (very good)
- 800–850 – Heer Saare (Excellent)
Marka dhibcahaagu sareyaan waxad heli karta amaah si fudud, dulsaar hoose, iyo kalsooni badan oo aay ku
sinayaan hay’daha maliyadeed.
Side Lo Xisabia credit score?

Credit score laguma go’amiyo hal arrin he keliya. waxa Jira dhowr qodob oo Mumiin Ah oo la Isku daro si
loo soo saro dhibcahaaga.
- Taariikhda Lacag-bixinta (Payment History)
tani wa qodobka ugu muhiimsan. Haddi aad markasta waktigida ku bixiso deyantada ama bilashada, credit score-kagu wuu kordha.
Haddi aad dib u dhigto lacag-bixnta ama aad seegto bilkasta deyanta, dhibcahaagu hoos u dhacaan.
- heerka isticmaalka Credit-ka (Credit Utilization).
Waxa la egaa inta credit score ah ee aad isticmaashay marka loo eego inta lagu oggol yahay.
Tusale Ahan:
- Credit Limit: $10,000
- waxad Isticmaashay: $2,000
- waxad adegsanayasa 20%, tas oo loo arko heer wanaagsan.
Khubradu waxey kugula taliyaan in isticmaalka credit-ka usan ka badnan 30%.
- Da’da credit-a (length of credit history)
Marka aad mudo si wanaagasan u isticmasho credit-kaga, kalsoonidadu wey kordhaysaa.
Qof leh taariikh credit score oo 10 sano ah aya inta badan ka dhibco wanagasan qof sanad keliya isticmaalay.
- Noocyada Credit-ka
Hay’adaha maaliyadeed waxey jecel yihin inay arkaan inaad si wanagasan u mamuli karto noocyada kala duwan oo deyant ah, sida:
- Credit cards
- Personal loans
- Auto loans
- Mortgage loans

- Codsiyada cusub e credit-ka
Haddi muddo gaban aad codsato amaah badan ama karar badan, waxaa loo arki karaa isticmaal muujinaya baahi dhaqaale, tasoo hoos u dhigi karta credit score-kaga.
Maxaa Sameeya Credit Score?
WAXYAABAHA ugu badan ee saAmEEya WAXAA ka mid ah:
- Bixinta deyanta u dib u dhacda.
- Issticmaalka credit aad u badan.
- Furitaanka akoonno badan hal mar
- xiritaanka Akoonnadi Hore.
- Deyn an la bixin.
- Dacwooyin ama xanuuno maliyadeed.
- Musalafnimo (bankruptcy) Haddi ay dhacdo.
Dhanka kale, bixinta waktigeeda, issticmaalka credit score-ka oo xddidan, iyo ilaalinta tarikh credit oo wanagasan waxey si tartib ah u kordhiyan credit score-kaaga.
Maxay Muhiim u Tahay Inaad Leedahay Credit Score WanAagasAn?
Credit Score Wanagasan wuxu kuu fura fursado badan oo maliyadeed, waxaana ka mid ah:
- Helitanka amaah si fudud.
- Dulsar hoose Marka Ad Amaah qaadanayso
- Fursad wanagasan u lagu hello kaarka deynta.
- Kalsooni dheraad ah oo bangiyada iyo shirkadaha maliyadeed kuu qabaan.
- Surtagalnimada in lagu ansixiyo kiraysiga guri ama xafiis dalal badan.
- Helitanka malgelin ganacsi oo fudud.
Credit Score Wanagasan wuxuu Sidoo Kale Ka caawin Karaa Inad Lacag Badan Kaydsato Mustaqbalka, Madaama Dulsaarka Hoos Uu Yareeyo Kharashka Guud Ee Amahda ah.
Sida Lu Hagajiyo Credit Score-Kaga
hadii credit score-kaagu hoseeyo,ha niyad jabin. dhibcahaaga credit-ka waa la hagaajin karaa haddi aad qaaddo tallabooyin sax ah u joogto ah. Inkasta u aysan habeen kaliya ku hagajin, haddna dulqaad iyo marayan wanagasan aya kaa caawin karta gaarida meel sare.
- Bixi Dhamman Deyamaha waqtigeeda
Habka ugu wanaagasan ee lagu dhiso credit score wanagasan waa inaad mar kasta bixiso lacagaha lagugu leyhay waqtigooda hal mar hadii lacag-bixinta u dib u dhacda waxay si taban u samen karta dhibchahaga.
waxaad istcimaali Karta:
- Xusuusin (remembering) taleefankaaga.
- Automatic payment hadii bangigu bixiyo adeeggaas.
- Jadwal Bille ah oo aad ku qorshayaso dhamman kharshadkaga.
- joogtaynta Lacag-Bisinta waktigeeda waxey Mujinaysaa Inad Tahay 1of lagu Kalsonaan Karo.
- yaree Issticmaalka Credit-ka
Haddi aad leedahay credit card, isku day inaadan wada isticmaalin xadka laguu oggol yahay.
Tusale Ahan:
Credit limit: $5,000
Issticmaalka Ugu Wanagasan: Ka Yar $1,500
Marka ad isticmaasho boqolkiba yar u credit-kaga ah, waxay muujinaysaa inaad si masuuliyad leh u mamusho dakhligaaga
- Ha xayirin akonnada credit-ka e hore
Dad badan waxay u maleynayaan in xiritanka credit card-ki hore ay kor u qaadayso credit score-kooda,
balse marrka qaar wa lidkeeda.
Akoonanda mudo dheer furnaa waxey dhisaan taariikh credit score oo wanagasan. hadii eysan jirin sabab muhiim ah oo lagu xiro, waxaa wanaagsan inaad si haysto.
- Ka fogow codsiyada badan e amaahda
hadii mudo gaaban aad codsato amaah ama credit card badan, hay’daha maliayadeed waxay u arki karan inaad ku jirto xalad dhaqaale oo adag.
Taasi waxey keeni karta in Credit Score-kaagu hoos u dhaco.
- Dib u eeg warbixinta credit-ka
waxaa muhiim ah inad si joogto ah u hubiso warbixinta credit-kaga si aad u ogato haddi jiraan khaladad ama xog an sax ahyan.
Mararka qaar waxaa Dhici Karta:
- Deyan an adiga kugu qornayn.
- lacag la Sheegay inan la bixin iydoo la Bixiyay.
- Khaldaad Farsamo.
- Haddi Aad Argato Khalad,la Xariir hay’adda bixiyaa warbixinta credit-ka si loo saxo.
Khaladadka ugu badan e dadku sameyaan
waxaa Jira Khaldad Badan oo si Toos Ah U Dhaawaca Credit-ka.
Dib u dhigista lacag-bixinta
Khaldkaan waa kan Ugu Badan. Dad Badan waxey Dib U Dhigaan Bixinta Bilasha Ama Amaahda iyagoo U Maleynaya Inanay Samayn weyn Lahyn.
Xaqiiqdu waxey tahay in dib u dhackasta u dhaawici karo sumcadda maliyadeed.
IsstiCmAalka credit-ka oo dhan
Haddi aad isticmaasho ku dhawaad dhamman lacagta laguu oggol yahay, waxaa loo arka calaamad muujinaysa culays dhaqaale Waxa fiican inaad had iyo jeer ka tagto qayb weyn oo aan la isticmaalin.
Furasada kaAraRka badan hal mar
dadka qaar waxey codsadaan Credit Card badan si ey u helaan gunooyin ama qiimo dhimis Tani waxey kordhin karta tirda baritannad lagu sameyo tarikhdada credit-ka, tas oo dhaawici karta dhibcahaaga.
Dayacaadda Deymaha Yar Yar
Xitaa deyn yar oo an la bixin waxay samayn ku yeelan kartaa Credit Score-ka. Mar walba bixinta deyan kasta, xitaa haddi ay yar tahay, waa muhiim.
Credit Score Iyo Amahda
marka aad codsato amaah, bangigu wuxu marka hore eaga credit score-caga. Haddi Dhibcahaagu Sarreyaan waxaad Heli Karta:
- asaxinta amahada oo degdeg ah.
- Dulsaar hoose
- Muddo lacag-bixinta oo dabacsan.
- Lakag amaah oo badan
Haddi DhibcaHAagu HOSEYAAN waxaa Dhici Karta:
- In codsigaaga la diido.
- In lagu siiyo dulsaar sare.
- In lagaa codsado dammaanad dheeraad ah.
Credit Score iyo Credit Cards
Shirkadaha bixiya Credit Cards waxay isticmaalaan Credit Score si ay u go’aamiyaan:
- Qofka u qalma kaarka.
- Xadka lacagta la siinayo.
- Heerka dulsaarka.
- Gunnooyinka iyo abaal-marinnada la bixinayo.
- Dhibco wanaagsan waxay kuu horseedi karaan kaarar leh faa’iidooyin badan sida cashback,
- miles safar, iyo qiimo-dhimisyo gaar ah.

Credit Score iyo Kiraysiga Guryaha
Dalal badan, milkiilayaasha guryaha waxay eegaan Credit Score-ka ka hor inta aysan heshiis kula gelin. Credit Score wanaagsan wuxuu muujinayaa inaad tahay qof waqtigiisa ku bixiya kirada, taasoo kordhinaysa fursadda lagu aqbalo.
Haddii dhibcahaagu hooseeyaan, waxaa laga yaabaa in lagu weydiiyo:
- Dammaanad dheeraad ah.
- Lacag hormaris badan.
- Qof kuu dammaanad qaada.
Credit Score iyo Ganacsiga
Ganacsatada iyo shirkadaha yaryar sidoo kale waxay ka faa’iideystaan Credit Score wanaagsan.
Waxay u sahlaysaa inay helaan:
- Amaah ganacsi.
- Maalgelin cusub.
- Heshiisyo ganacsi oo wanaagsan.
- Kalsoonida bangiyada iyo maalgeliyeyaasha.
- Ganacsi leh taariikh credit oo wanaagsan wuxuu leeyahay fursad sare oo uu ku kobco.
Talooyin Lagu Ilaaliyo Credit Score Sare
Si aad u ilaaliso dhibcahaaga:
- Bixi dhammaan deynta waqtigeeda.
- Samee miisaaniyad bille ah.
- Kaydso lacag xaaladaha degdegga ah.
- Ka fogow deyn aan loo baahnayn.
- Si joogto ah ula soco warbixinta credit-kaaga.
- Ha codsan amaah badan muddo gaaban gudaheed.
- Isticmaal Credit Card-ka si masuuliyad leh.
- Ilaali taariikh credit oo dheer.
- Marka aad caadooyinkan joogteyso, Credit Score-kaagu wuxuu si tartiib ah u noqon doonaa mid
- xooggan oo lagu kalsoonaan karo.

Gunaanad
Credit Score wuxuu cabbiraa kalsoonidaada maaliyadeed. Lacag-bixinta waqtigeeda waa qodobka ugu muhiimsan ee saameeya Credit Score. Isticmaalka credit-ka waa inuu ka yaraadaa 30% xadka laguu oggol yahay.
Taariikh credit oo dheer waxay kordhisaa kalsoonida hay’adaha maaliyadeed. Credit Score wanaagsan wuxuu kuu fududeeyaa helitaanka amaah iyo dulsaar hoose. Ka fogow codsiyada badan ee amaahda muddo gaaban gudaheed.
Si joogto ah ula soco warbixinta credit-kaaga si aad u ogaato khaladaad kasta. Maaraynta wanaagsan ee dhaqaalaha ayaa ah furaha lagu dhiso Credit Score sare.

