HORDHAC
Malagashigu waa mid ka mid ah siyaabaha ugu wanagasan ee lagu kobcin karo hantida muddo dheer. Daad Badan Aaya Lacagtooda Ku Maalgeliya ganacsiyo, Guryo, Ama Dahab, Halka qaar Kalena Aaya Doortan Suqyada saamiyada (Stock Market). shares-ka iyo stocks-ku wa ereyo inta badan la maqlo marka laga hadlyo malgashiga casriga ah. Qofkata oo doonya xorriyad dhaqale iyo innu hantidisa kordhiyo wa innu fahma sida share-ka iyo stocks-ku u shakiyan.
Maqaalkan wuxu si faahfaahsan u sharxaynaa waxa ay yihin, fa’iidooyinkooda, khatarhooda, iyo talooyin muhin ah u ku sabasan malgshiga.
Waa maxay stocks-ka?
Stock waa qayb yar oo ka mid ah lahaanshaha shirkad. Marka Shirkaddu I Iibiso Stocks, waxay Dadka Sinayasaa Fursad ay qayb Uga noqdaan Milgilayasha Shirkadda.
Tusale ahaan, haddi shirkad ay ledahay 1,000,000 stocks adiguna aad ibsato 10,000 stocks, waxad noqoneysaa milkile leh boqolkiiba yar ee shirkadda ka mid ah.
Qiimaha Stocks -ku- wuxu kor u kacaa ama hoos u dhacaa iyadoo ku xirantahay:
- Waxqabadka shirkada
- Dhaqaalaha Guud
- Baahida Suqa
- Warrka maaliyada
- Kalsoonida Malgashadayasha
Waa maxay Shares-Ku?
share waa hal qayb oo Stock ah. Si fudud Fudud: •
Stock wuxuu tilmamaa lahaanshaha guud ee shirkad.
share wuxuu tilmamaa qayb gaar ah oo lahaanshahaas ka mid ah.
Tusaale: Haddi aad leedahay 500 shares oo shirkad ah, waxaad leedahay 500 qeybood oo ka mid ah shirkaddas. inkastoo labada eray marar badan la isku beddelo, share wuxu inta badan tilmamaa tirada qaybaha aad leedahay halka stock uu tilmaamo lahaanshaha guud.
Sidee Ayey Stocks-Ku u Shaqeyaan? Shirkaduhu waxay suuqa u soo bandhigan saamiyadooda si aay u helan lacag aay ku ballariyan ganacasigooda. Marka aad stock iibsto:
- Waxad noqonaysaa milkiile qayb yar leh.
- Waxaad heli kartaa fa’iido haddi qiimaha Stocks-ku kordho.
- Waxa laga yaba inad hesho dividend hadii shirkaddu fa’iido qaybsato.
Haddi shirkaddu si wanagasan u shaqeyso, qiimaha Stocks-keedu inta badan wuu kordha, tasoo fa’ido u noqota malgashadayasha.
Noocyada Stocks-ka
- Common stock
waa kuwa ugu badan ee dadka maalgahadan. Fa’iidoyinkooda waxa ka mid ah:
- Xaquuq Codbixin
- kororka qiimaha Samiyaada
- Dividend hadii shirkaddu bixiso
Waxay Sidoo kale leeyihiin khatar sare marka loo eego noocyada kale.
- Preferred stocks
Waxay leeyihiin mudnan dheraad ah. Sifoyinkooda wxaa Ka Mid Ah:
- Dividend joogto ah
- Mudnaan Marka Shirkada la xiro
- Khatar Yar common stocks
Si kastaba ha ahatee, badanaa ma laha xuquuq codebixin.
Faa’iidooyinka malgashiga stocks-a
- Kobcinta Hantida
Stocks-ku waxay muddo dheer noqon karaan hab aad ku kordhiso hantidada. Shirkado badan aya qiimahoodu si jogato ah u koray tobannan sano.
- Passive income
Shirkado badan aya bixiya dividend, tasoo kuu oggolanaysa inaad hesho dakhli joogto ah adigoo shaqo dheraad ah qaban .
- Ka hortagga sisir-barrka
lacagta bangiyada taal waxay lumin karta qiimaheeda marka sisir-barraku kordho. stocks-ku waxay fursad sin karan in hantidadu la socoto ama ka sarreyso hirka sisir-barrka.
- Kala Duwananshaha Malagashiga
Waxaad lacagtada u qaybin karta shirkado kala duwan si aad u yareyso khatarta. Tani vaxa loo yaqaan diversification.
Khataraha Stocks-ka
Inkastoo stocks-ku fa’iido leeyihiin, haddna waxa jira khataro muhim ah.
Isbadalka qiimaha
Qiimaha Stock-ku wuxuu is beddeli karan maalin kasta. waxaa dhichi karta innu si degdeg ah hoos ugu dhaco ama kor ugu kaco.
Khasaaraha Maalgashiga
Haddi shirkaddu dhibaato gasho, qiimaha Stock -keedu wuu dhichi kara, waxaana laga yaba inad lumiso qayb ka mid ah lacagtada.
Khataraha dhaqaale
Sicir-barrka, Dagallada, ama hoos u dhaca dhaqalaha waxay sameyn karaan suuqa saamiyada.
Maxaa Saameeya Qiimaha Stocks-ka ?
Waxa Jira Arrimo Badan U Sameeya qiimaha Stock-ka waxaana kamid ah
Waxqabadka Shirkadda
Haddi shirkaddu fa’iido badan sameyso, qiimaha stock-keedu inta badan wuu kordhaa.
Warrka Dhaqaalaha
Warrka Wanagasan waxay Kordiyan Kalsoonida Malgashadayasha Halka Warrka Xun Ay Hoos U Dhigan qiimaha.
Bahida Iyo Bixinta
Marka dad badka ay raban inay ibsadan stock, qiimuhu wuu kacaa. Marka dad badan ay iibiyan, qiimuhu wuu dhacha.
Heerarka Dulsaarka
Kororka Dulsaarku wuxuu Mararka qaar hoos U Dhiga Suqaa Saamiyada Madama Dadku doortaan Malgashi Kale.
Sida Lu Bilabo Malgashiga Stocks-Ka
- Baro Asaska Malagashiga
Ka hor intadan lacag gelin, fahan sida suuqu u shaqeeyo. waxbarashada maaliyadeed waa tallabada ugu muhimsan.
- deji yool Maalgashi
Is weydii.
- Ma rabtaa fa’iido mudo gaaban?
- Mise waxaad rabtaa koboc mudo dheer?
- kala qaybi Malagashigaga
Ha gelin dhamman lacagtada hal shirkad. Ku maalgeli shirkado iyo warshado kala duwan si aad u yareyso khatarta.
- Ka fogoow go’amada darenka ku saleysan
Suuqa samiyadu mararaka qaar wuxuu hoos u dhacaa.
Malgashadayasha guleyasta waxay go’aamadooda ku saleyaan cilmi-baris, ma ah cabsi ama xamaasad.
Farqiga u Dhexeeya Stocks iyo Shares Stocks
| Stocks | Shares |
| waxay tilmamaan lahaansho Shirkad | waxay tilmamaan qayb gaar ah oo lahaanshahas ah |
| Waa eray guud | Waa unug gar ah |
| Waxaa loo isticmalaa Guud Ahan Malgashiga | Waxaa loo isticmalaa qayb kamid ahMalgashiga |
Talooyin muhiim ah oo ku sabasan malgashiga
- Samee cilmi-Baris ka hor intadan wax ibsan.
- Malgashi lacag aad awoodo inad muddo dheer dhigato.
- Ha ku degdegin fa’ido degdeg ah.
- Dib u eeg portfolio-gaga si joogto ah.
- Baro falanqaynta Shirkadaha Iyo Dhaqaalaha Guud.
Gunanaad
Stocks-ka iyo shares-ku waa aalado muhiim u ah dhismaha hanti iyo kobcinta dhaqaalaha qofka. Inkasta oo ay leeyihiin khataro, haddana qofka leh qorshe cad, aqoon ku filan, iyo dulqaad wuxuu ka faa’iidaysan karaa fursadaha waaweyn ee suuqa saamiyada.
Bilow inaad barato aasaaska maalgashiga, samee cilmi-baaris joogto ah, oo ku dhaqaaq go’aamo xog ogaal ah. Muddo dheer, maalgashiga stocks-ka iyo shares-ku wuxuu noqon karaa waddo lagu gaaro xorriyad dhaqaale iyo koboc hantiyeed oo waara.

