Hordhac
Inflation ama sicir-barrka waa mid ka mid ah arrimaha ugu muhiimsan ee samiya dhaqaalaha waddan kasta iyo nolosha maalinlaha ah ee shacabka. Marka sisir-barr dhaco, qiimaha badeecadaha iyo adeegyada ayaa si tartib tartib ah ama degdeg ah u kordha, halka awooda wax iibsiga ee lacagta ay hoos u dhacdo.
Tusaale ah, haddi hal kilo u bariis ah u maanta yahay $1, balse sannadka dambe u noqdo $1.50, waxaa dhacay Inflation. Tas macnaheedu waa lacagti hore lagu ibsan jiray badeecaddu aysan hadda ku filnayn.
Qormadan waxay si faahfaahsan u sharxaysaa waxa u yahay Inflation, sababaha keena, noocyadiisa, sameynta u leyhay iyo sida qof walba uga hortagi karo dhibatooyinka ka dhasha.
Waa maxay inflation (sisir-barr)?

Inflation waa kororka joogtada ah ee qiimaha guud ee badeecadaha iyo adeegyada muddo cayiman gudaheed. Marka Inflation -ku dhaco, qiimaha lacagta ayaa hoos u dhacaya, taas u ka dhigaysa in isla lacagti hore aan lagu iibsan karin waxyabihii hore lagu ibsan jiray.
Bangiyada dhexe iyo dowladaha badankood waxay isku dayaan iney ilaaliyaan heer Inflation-ka dhexdhaxaad ah, madama Inflation aad u hooseeyo ama aad u sarreya uu dhaawici karo dhaqaalaha.
Sidee Loo Cabbiraa Inflation?
heerka inflation waxaa lagu cabbiraa iyadoo la adegsnayo isbeddelka qiimaha badeecado iyo adegyo kala duwan oo ay dadku si jogto ah u isticmalaan. Waxaa la egaa:
- Qimaha cuntada
- Kirad Guryaha
- Gaadidka
- Waxbarashada
- Adeegyada cafimaadka
- Korontada Iyo biyaha
Marka celceliska qiimaha qaybahaan u kordho, waxaa la shegaa in inflation uu jiro.
Sababaha keena Inflation
1. Kororka baahida (demand-pull inflation)
Marka dadka iyo shirkaduhu ay si aad ah u kordhiyan wax iibsiga, halka wax-soo-saarka anu la Janqaadi karin bahidaas, qiimaha aya kor u kaca.
Tusaale ahan, hadii guryo yar la heli karo balse dad badan ay doonayaan iney iibsadan, qiimaha guryaha ayaa sare u kacaya.
2. Kororka kharshaadka wax-soo-saarka (Cost-Push Inflation)
Marka qiimaha shidaalka, musharka shaqaalaha ama alaabta ceyriin u kordho, shirkaduhu waxay sare u qaadan qiimaha badeecadooda si ay u dabolaan kharashadkaas.
3. Kororka Lacagta Wareegaysa
Haddi lacag badan lagu shubo suuqa iydu aan wax-soo-saarka kordhin, lacagtu waxey luminaysaa qiimaheeda, taas oo dhalinaysa sicir-barar.
4. Dhibatoyinka Silsildda Sahayada
Dagaallo, masibooyin dabiici ah ama hakad ku yimada ganacsiyada caalamiga ah waxay yareyan badeecadaha suuqa yalla, taas oo dhalinaysa sicir barar.
Noocyada inflation

Inflation Yaar (Low Inflation)
Heerkaan waxaa loo arkaa mid caafimaad qaba u dhiirigalinaya kobaca dhaqaalaha iyo maalgashiga.
Inflation dhexdhexad ah
Qiimuhu si joogto ah ayuu u kordha, balse wali dhaqaluhu si caadi ah ayuu u shaqeyn karaa.
Inflation sare (High Inflation)
qiimaha badeecada ayaa si degdeg ah u kacaysa, taas u culays weyn ku noqota shacabka iyo ganacsiyada.
Hyperinflation
Tani wa heerka ugu daran ee sicir-barrka, halkas oo lacagtu si degdeg ah u lumiso qiimaheeda, qiimayashuna ay maalin walba is beddelan.
Saamaynta uu inflation-ka ku leeyahay dadka
Hoos u dhac awooda wax iibsiga
Marka qiimuhu kordho, musharka ama dakhliga qofka haddi anu la socon kororkasi, awoodiisa wax iibsiga wey yarata.
Sameyanta qoyska
Qoysaska waxay ku khasbanadan iney yareyan kharashadka muhiimka aha sida:
- Cuntada
- Waxbarashada
- Caafimaadka
- Gaadiidka
Kaydaka lacagta oo qimo beela
Lacag muddo dheer meel talla waxay lumin karta awoodeeda wax iibsiga haddi maalgashi-gu sareeyo.
Saamaynta inflation ku leeyahay Ganacsiyadu
Ganacsiyadu waxay wa Jahaan caqabado Badan Sida:
- Kharashaadka wax-soo-saarka oo kordha
- Alaabaha oo qaali noqda
- Fa’iidada oo yaraata
- Macmiisha oo hoos u dhacda
Sikstaba ha ahatee, shirkadaha leh maamul dhaqaale oo wanagasan waxay awodaan inay la qabsadaan isbeddeladaan.
Saamaynta inflation ku leeyahay dhaqaalaha dadka
inflation dhexdhexaad ah wuxuu dhiirrigelin karaa:
- Maalgashi
- Shaqo Abuur
- Kobac Dhaqaale
Laakin inflation aad u sarreya wuxuu keeni kara:
- Shaqo la’an
- saboolnimo
- Hoos u dhac ku yimaada maalgashiga
- Kalsooni Darro Dhaqale
Sidee Loga Hortagi karaa Inflation?

- Sameey Miisaniyad
Qorshey dakhligaga iyo kharashadkaga si aad uga fogato isticmaal aan loo baahnayn
- Kordhi Kaydkaga
Inaad si joogto ah u kaydasato lacag waxay ka caawin karta Inaad la tacaasho kororka qiimaha.
- Maalgashi Samey
Malagashiga saxda ahi wuxuu ka caawin kara in hantidadu koroto halki ay qiimo lumin lahayd.
- Baro financial education
Aqoon maliyadeed waxay kaa caawinaysaa inad gaarto go’aano dhaqaale oo wanagasan.
- Kala Duwanansho dakhli
Helitaanka ilo dakhli oo kala duwan sida freelancing, blogging ama ganacsi yar waxay yareyn karta sameyanta inflation.
Inflation iyo Somalia
Somalia waxay la kulanta sisir-barar ey kenaan arrimo badan sida:
- Ku tirsanant badeecadaha dibdda laga keeno
- Isbedelka qiimaha Dollarka
- Abaaraha Iyo Isbeddelka cimilada
- Kororka qiimaha Shidalka
- Carqaladaha Ganacsiga
Taasi waxay sameyn ku yelataa qiimaha cuntada, gaadiidka iyo adeegyada muhiimka ah.
Faa’iidooyinka Fahamka Inflation
Qofka fahma sisir-barrka wuxuu awood u leeyhay innu:
- Si wanagasan u mareyo lacagtiisa
- Sameeyo keyd joogta ah
- qaato go’anno maalgashi oo sax ah
- yareeyo qataraha dhaqaale
- Qorsheyo mustaqbalkiisa dhaqaale
Gunanaad

Inflation ama sisir-barrku wa arin si toos ah u taabata nolosha qof kasta. Inkasto kororka qiimuhu mararaka qaar yahay qayb dabiici ah oo ka mid ah kobaca dhaqaalaha, inflation-ka xad-dhaafka ahi wuxu dhaawac weyn u geysan kara bulshada iyo ganacsiyada.
Xalka ugu wanagasan wa in qof walba uu yeesho aqoon maaliyadeed, sameyo misaaniyad, kayd joogto ah sameyo, islamarkaana raadiyo fursado maalgashi iyo ilo dakhli oo kala duwan. Fahmka inflation wuxuu ka caawinayaa inad ilaaliso awooda wax iibsiga ee lacagtaada isla markaana aad gaarto xasilooni dhaqaale oo waarta.

