HORDHAC
Sanadihii ugu dambeyya, freelancing wuxuu noqday mid ka mid ah siyabaha ugu caansan dadka adunka oo dhan ay lacag uga kasbdan daan internet-ka. Horumraka tiknolajiadda iyo kororka shakooyinka fog (remote work) aya abuura fursado badan oo qof kasta uga shaqayn karo meel kasta oo uu joogo.
Dhalinyaro badan oo somaaliyeed ayaa maanta xiiseynaya freelancing sababtoo ah wuxuu siinayaa xorriyad shaqo, dakhliga oo kordha, iyo awooda looga shaqayn karo iyadoo aan loo baahnayn xafiis joogto ah.
maqaalkaan waxaa Ku Baran donaa waxa uu Freelancing Yahay, Fa’idooyinkisa, Sida loo Bilabo, Iyo tusalooyin Ka caawin Kara Inad noqoto Freelancer Guleysta.
Waa Maxay Freelancing?
Freelancing waa hab shaqo u qofku uu adeggisa ama xirfadihiisa si madax-bannan ugu iibiyo macamiil kala duwan halki uu shirkad keliya uga shaqayn lahaa si joogto ah.
Freelancer-ku wuxu qataa mashruucyo ama shaqooyin gar ah oo u qabto muddo cayiman, kadibana wuxu helaa lacag lagu heshiyay.
Tusaale Ahan:
- Qoraa maqaalada internet-ka
- Nashqadeeya Graphic (Graphic Designer)
- Horumariye website (web developer)
- Turjuban
- Suuq -geeye dhijitaal ah (Digital Marketer)
- Maamule Baraha Bulshada
Dhamman shaqooyinkaan waxaa la qaban karaa internet-ka iyadoo lala shaqenaayo macmiil ku kala nool dalal kala duwan.
Sidee uu u Shaqeeya Freelancing?
Marka freelancer uu sameeyo profile xirfadeed, wuxuu ka diwaangashan kara madalaha freelancing-ka sida:
- Upwork
- Fiverr
- Freelancer
- PeoplePerHour
- Guru
macmiisha waxay soo bandhigan shaqooyin ama mashruucyo ay u baahan yihiin in la qabto. Freelancer-ku wuxuu soo gudbiyaa codsi (proposal ) ama adeeg (Gig), kadibna haddi la doorto wuxuu bilabaa shaqada
Marka mashruuca la dhammeyo, lacagta waxaa lagu shuba akooonkiisa iydoo loo marayo habbaka lacag bixinta ee madasha.
Faa’iidooyinka freelancing
- Xorriyadda Shaqada
Mid ka mid ah fa’iidooyinka ugu waawayn waa xoriydda. waxaad dooran kartaa: Goobta aad ka shaqaynayso, Waqtiga aad shaqayanayso, Nooca shaqada aad qabto
2. Dakhliga u kordha
Shaqaale badan aya leh mushaar xddidan, laakin freelancer-ku wuxu heli kara lacag badan isla mar ahantaana kordhin kara dakhligisa.
3. Fursado Calami Ah
Freelancing wuxuu kuu ogalanayaa inaad ka shaqeyso shirkado iyo ganacsiyada caalami ah adigu joogo somaaliya.
4. Horumarinta xirfadahaada
mashuurc kasta oo cusub wuxuu kuu keenya khibrad cusub tasoo kor u qaadaysa xirfadahaaga.
5. Maalgashi yar
Si aad u bilowdo freelancing inta badan waxaad u baahan tahay:
- Computer or laptop
- Internet wanaagsan
- Xirfad suuqa looga baahan yahay
Xirfadaha ugu Caansan ee Freelancingka
Waxaa jira xirfado badan oo suuqa freelancing-ka si weyn looga radiyo.
Qorista Maqaalada (Content Writing)
Haddi aad ku fican tahay qorista, waxaad qori kartaa:
- Blog posts
- SEO articles
- Product description
- Website Content
Graphic Design
Nashqadaynta sida
- Logo
- Banners
- Thumbnails
- Social media posts
Web development
Dhisidda website-yada iyo hormarintooda waa xirfad dakhli badan laga hello.
Digital Marketing
Ganacsiyada Badan waxay U Bahn Yihin:
- SEO
- Email marketing
- Social media marketing
- Google ads
Video editing
Kororka youtube iyo tiktok aya sare u qaaday baahida loo qabo taftirka muuqaalada.
Sida Lou Bilabo Freelancing
Tallabada 1aad: Dooro xirfad
Marka hore dooro xirfad aad xiiseyneyso ama aad hore ugu wanagasan tahay.
Tusaale:
- Writing
- Design
- Programming
- Marketing
Tallabada 2: Baro xirfadaha
Ka fa’idayso:
- YouTube
- Blog-Yada waxbarashada
- Coursooyinka online-ka
Tallabada 3aad:Samee Portfolio
portfolio-gu waa tusalooyinka shaqada. waxaad Ku Dari Karta
- maqaalo aad qortay
- Nashqado aad samaysay
- Website-yo Aad Dhistay
Tallabada 4aad: fur Akoon Freelancing
Diiwaangali Akoon xirfadeed Oo Leh:
- Sawiro Wanaagsan
- Sharaxaad xirfadeed
- xirfadahaga
- Portfolio-GAGA
Tallabada 5aad: codaso Shaqooyin
Bilow inaad codasto shaqooyin si aad u hesho:
- Khibrad
- qiimeyn Wanaagsan
- macmiil joogto ah
Khaladaadka ay sameyaan Freelancer-Ka cusub
- Qiimo aad u hooseeya
Dad badan waxay dhigan qiime aad u hoseeya tasoo dhaawacda dakhliga mustakbalka.
- Dulqaad l’an
Freelancing ma ah hab lacag degdeg ah lagu hello. Waxay u baahan tahay wakhti iyo dadaal.
- Isgarsiin liidata
La xariirka macmiisha si xirfad leh waa muhiim.
- Shaqooyinka badan oo la qaato
Ha aqbalin Mashruchyo ka badan awodada.
5. Xirfad an la Horumarin
Suuqa Freelancing-Ka Si Jogato Ah Ayu Isu Beddela. Barshada xirfado cusub waa Lama Huran.
Sida Lu helo macmiil badan
Sami Profile Xooggan: sharax xirfadahaaga Si cad Oo xirfad Leh.
Dhis sumcad Wanagasan: macamiisha kugu qanacsan waxay kuu keeni karaan macmiil cusub
Baro Search Engine optimization ( SEO) : seo wuxuu kaa caawin karaa inaad ka muuqato baraha raadinta
Ka Faa’iidayso LinkedIn: LinkedIn waa meel muhiim u ah helitanka macmiil iyo shaqooyin cusub.
Weydii Talooyin iyo reviews: qiimen wanagasan waxay kordhisa kalsoonida macmiisha mustaqbalka.
Immisa Aye Freelancer-Ku Kasban Karan?
Dakhaliga Freelancer-Ku wuxuu Ku Xiran Yahay:
- Xirfadda
- Khibradda
- tirada macamiisha
- heerka adeega
bilowga waxa laga yaba inad hesho lacag yar, laakin marka aad dhisto sumcad iyo khibrad, dakhligagu si weyn ayu u kordhi kara. Freelancers xirfad sare leh aaya bishi kasban kara boqolaal ama kumanan dollar.
Mustakbalka Freelancing
Khubradu waxay aminsan yihin in shaqooyinka fog iyo freelancing-ku see kordhi doonan sandaha soo socda. Shirkado badan aya doorbidaya iney la shaqeyaan freelancer-ka sababtoo ah:
- Qarash yar
- dabacsanaan badan
- Helitanka xirfado caalami Ah
Tani waxay ka dhigaysa freelancing mid ka mid ah fursdaha shaqo e ugu wanagasan mustaqbalka.
Gunanaad
Freelancing waa fursad weyn oo qof kasta u oggolaanaysa inuu xirfaddiisa uga faa’iidaysto internet-ka isagoo kasbanaya dakhli joogto ah. Inkasta oo ay u baahan tahay dadaal, dulqaad, iyo horumar joogto ah, haddana waxay kuu horseedi kartaa xorriyad dhaqaale iyo shaqo.
Haddii aad rabto inaad bilowdo freelancing, maanta dooro xirfad, baro si qoto dheer, samee portfolio xooggan, kadibna bilow raadinta macaamiisha. Tallaabo kasta oo yar oo aad qaaddo maanta waxay kuu noqon kartaa albaabka guusha
